Booqashadii labaad ee Hawladeennada Maraykanka ee (US Congressional Staff) ayaa maanta ka bilaabmay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Arrimaha debedda ayaa ku soo dhoweeyey martida Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Cigaal.
Safarkan xograadinta ah ee xilligii ku habboonaa yimi, waxa isku dubbaridey Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI) waxana soo qabanqaabiyey safarka Seeska Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).
Waxa goobta ku sugnaa oo horkacayay martida Dr. Al Khalafalla, oo ka socdey HDI, iyo Dr Jama Musse Jama oo ah Guddoomiyaha RCF.Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dalka ku soo dhawaysay wefti heer-sare ah oo hawl-wadeenno ka socda Aqalka Baarlamanka Maraykanka ee Koongaraska (US Congressional Staff) oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Egal Airport ee caasimadda Hargeysa.
Weftigan ka socda Golaha Congress-ka oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan Mac-hadka American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI), waxa madaarka caalamiga ah ee Egal ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Ciise Kayd, saraakiil kale oo ka tirsan Xukuumadda iyo Dr Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Ururka Seeska Hidddaha iyo Dhaqanla ee Ressea Cultural Foundation (RCF).
Waa booqashadii labaad ee xaqiiqo raadin ah ee wefti Hawl-wadeenno ka socda Golaha Baarlamanka Koongarayska Maraykanku ku yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland muddo labo sanno ah gudahood, waxaana lagu wadaa in muddada ay dalka ku sugan yihiin xog-ururin ka sameeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan ee danaha labada waddan ee Somaliland iyo Marayanku ku jiraan.