Wefti balaadhan oo ka socda dowladda Jabuuti oo ka qeyb galay shirka ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland

Wefti balaadhan oo ka socda dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Jabuuti, ahna wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cumar Cabdi Siciid,oo ka qeyb galay shirka ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Weftigan ayaa waxaa ka mid ah wakiilo ka socda dowladda oo ay ka mid tahay safiirka Jabuuti u fadhiya Geneva Marwo Khadra Axmed Xasan, saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda shaqada iyo sidoo kale wakiilo ka socda hay’adaha loo shaqeeyaha iyo ururada shaqaalaha ee Jabuuti.

Shirkan oo ah mid isku keena wufuud ka kala socda 187 dawladood ee xubnaha ka ah Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO).

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cumar Cabdi Siciid oo ku dheeraaday guulaha waaweyn ee ay dowladda Jabuuti ka gaartay dhinaca shaqada. Waxa uu muujiyay horumarro la taaban karo oo laga gaaray ilaalinta bulshada, iyada oo la qaaday tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee looga dan lahaa in lagu wanaajiyo ammaanka iyo faa’iidooyinka shaqaalaha.