Waxaa mar kale loo shiray maalmaha xoriyada Soomaaliya

Iyada oo ay nagu soo fool-leeyihiin todobaadka xoriyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo, iyadoo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’addaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan, kaalinta hey’addaha kala duwan, bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.

FG. 26 June waxaa iyana dabaaldeg iyo weynayn u samaysa maalintan Somaliland. Sida lawada ogsoon yahay 26 June,1960 waxaa xoriyadeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska Somaliland iyadoo maalmo kadibna 01,July,1960 la midawday Soomaalidii uu Talyaanigu gumaysan jiray. Kadib ku dhawaaqidii 18 May,1991 ka madax banaanshaha Soomaaliya ee Somaliland sannadadi u dambeeyay waxaa maalintan laga xusaa Somaliland iyo Soomaaliya ba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *