Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Soomaaliya oo booqday qaar kamida xujayda Soomaalida

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Khadar Daahir ayaa kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.

Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dawladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kulaylka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka waraysanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *