Nuxurka Khudbada MW Somaliland ee Eidal Adxa

“Waano,dardaaran,iyo hoga tusaalayn iyo intii la odhan lahaaba sheekhaa yidhi ducada sheekhana Alle haynoo aqbalo,ciiddal adxada wanaageeda iyo samaheedana Alle hayna siiyo “

“Waxaynu ku jirnaa sannad doorasho intaa sheekhu yidhi haddaynu ku dhaqano waxay ila tahay wanaag,horumar,iyo is jacayl ayaynu helaynaaye Alle hayna waafajiyo”

“Islaamku meel uu joogaba wuu dhiaban yahay ha u horayso Falastiin Illaahay falastiin iyo muslinkaba Illaahay haw gargaaro,cadawga islaamkana allaha jabiyo”

Haddaynu muslin nahay diinta ku dhaqankeeda iyo xoojinteedaba waajibaa inaga saaran,Illaahayoow wanaagii,sharaftii,iyo xoogii islaamku lahaa soo celi,ummada Soomaaliyeedna islaamkay ka mid tahaye”

“Dambi kale maynaan galine soomaali jacayl baynu teenii u luminay,soomaalina mid waliba dantiisuu raacay,inagiina waxaa laynaga dhigay maanta dad xuquuqdoodii lagu murmaayo,Illaahay dhibaatadaana Somaliland haka saaro inaguna aan ku tacabno taa inagoo cidna dulmaynin”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *